Guddoomiyihii hore ee Nairobi oo Maanta Racfaan Qaadanaya

Barasaabkii hore ee ismaamulka  Nairobi  Dr. Evans  Kidero iyo ilaa iyo 14 sarkaal oo kale ayaa la filayaa inay maanta maxkamadda  ka soo hormuuqdaan  si go’aan  looga gaaro codsi   ay gudbiyeen oo ah in damiin  lacageed lagu siidaayo.

Shalay ayay ahayd markii Dr. Kidero iyo madaxii hore ee shaqaalaha  Mr. George  Wainaina la soo taagay maxkamadda Milimani waxayna iska fogeeyeen eedeymo loo soo jeediyay.

Waxaa loo haystaa fadeexad  musuqmaasuq  oo lacag dhan  68 milyan si sharci darro ah  lagu siiyay  shirkad bixiso  adeegyada  sharciga.

Dr. Kidero  ayaa wajahaya  dacwad  ay ka mid yihiin lunsasho lacageed, awoodiisa oo uu ku takriifalay  iyo hanti dadweyne oo uu si aan sharci ahayn uu ku helay.

Maalinkii jimcaha ayay ahayd markii  saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC  ay xabsiga u taxabeen Dr. Kidero iyo madaxii hore ee shaqaalaha Mr. George Wainaina .

Evans Kidero ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay wuxuuna  guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ku eedeyay inuu bartilmaameedsanayo.

Dr. Kidero ayaa hoosta ka xariiqay  in  howlgalada isaga ka dhanka ah ee dhowr mar xabsiga loogu taxaabay ay yihiin kuwo dani gaar ah oo aan wanaagsanayn  laga leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here