Guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle oo balan qaadkii ugu horreyay sameeyay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle mudane Cabdixakiin Luqmaan ayaa sheegay in afarta sanno ee soo socta ay ka shaqayn doonaan Hirshabeelle xasilloon oo aan mooshin iyo is-qab qabsi lahayn.
Guddoomiyaha oo boggaadiyay howshii adkayd oo la qabtay ayaa shacabka ku ammaanay dadaalladii ay ku bixiyeen sidii amniga qeyb ay uga qaadan la haayeen xilli xasaasi ah oo lagu jiro doorashooyin,wuxuuna ugu baaqay bulshada in aan halkaas lagu joojin wada-shaqaynta ee hore loo wado si loo gaaro guulo kale.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa tilmaamay in hamigoodu yahay Hirshabeelle oo amni iyo barwaaqo ah isagoo carrabka ku adkeeyay in kaligood aysan wax qaba Karin laakiin ay ku dadaali doonaan in la abuuro jawi ay ku wada shaqeeyaan maamulka iyo bulshada Hirshabeelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here