Guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta la dooranayo

Magaalada jowhar ee Caasimadda Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas iyo labadiisa kuxigeen.
Shalay ayaa waxaa khudbadahooda musharaxnimo laga dhageystay ilaa lix musharax oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle & labadiisa kuxigeen.
Amniga Magaalada Jowhar ee Caasimada gobolka shabeelada dhexe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana si weyn looga dareemayaa doorashada oo qorshuhu ahaa inay dhacdo Gelinka hore ee Maanta balse Xildhibaannada lagu wargeliyay inay dhaceyso Gelinka danbe, kaddib markii ay soo baxday in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ku wajahan yahay Magaalada Jowhar si uu saameyn ugu yeesho doorashada halkaas ka dhacaysa sida ay warbaahinta guduhu daabacday.
Musharixiinta xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen u taagan oo ilaa lix Xubnood gaaraya ayaa waxaa Magacyadoooda ay kala yihiin.
1: Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) oo u tartamaya jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.
2: Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo u tartamaya Jagada Guddoomiyaha kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle.
3: Xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan iyo Xildhiban Marwo Canab Axmed Ciise oo u tartamaya Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Magaalada Jowhar ayaa siweyn looga dareemayaa doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle, waxaana doorashadaan ay kusoo aadeysaa xilli weli aan heshiis laga gaarin doorashada Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here