Gudi loo saaray shaqaaqo Xalay ka dhacday dhuusamareeb.

Wararka ka imaanaya Magaalada dhuusamareeb ayaa sheegay inay saakay degan xaalada Magaalada kadib markii xalay halkaas uu dagaal kooban ku dhex-maray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda dhexe iyo ilaalada hoggaanka Ahlusunna Wal-Jamaaca.
Isku socodka dadka iyo Goobaha Ganacsiga ee Magaalada ayaa si caadi ah u Shaqeynaya marka laga reebo wadooyinka Gala xarumaha ay dagan yihiin madaxda Dowlada oo aan la ogolayn in la maro.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay waxaa uu la kulmay Saraakiisha laamaha Amniga Magaalada iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya,iyagoo ka wada hadlay Shaqaaqadii dhacday iyo sida ay ku timid.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray saraakiisha laamaha ammaanka ee Magaalada dhuusamareeb ku sugan.
Kulankaan ayuu Ra’iisul Wasaaraha saraakiisha Ciidamada wax ka weeydiinay cida ka dambeysay Masuuliyada iska hor imaadka Xalay ka dhacay Magaalada.
Saddex Ruux oo kala ah laba Askari iyo haweeney Shacab ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmay israsaaseyn ka dhacday Xarunta inji ee Magalada Dhuusamareeb.
Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Shaqaaqadaas loo saarey guddi baaritaan ku samaeeya,kuwaasoo Maanta tegaya Goobtii iska hor imaadku ka dhacey ee afaafka hore ee Xarunta Inji,iyagoo su’aalo waydiin doono Xubno labada dhinac ee goobjoog u ahaa sida ay wax u dheceen.
Dhinaca kale Hoggaanka Ahlusunna ayaa waxaay sheegeen inay aaminsan yihiin in lasoo weerarey,iyagoo ujeedaduna aheyd waxyeeleynta xubno ka tirsan 20-ka xildhibaan ee ay Ku dhawaaqeen maalmo ka hor kuwaasoo diidmo kala kulmaya Odayaasha deegaanka qaarkood,halka Saraakiisha Dowlada ay dhankooda sheegeen in Ciidamada Ahlusunna rasaas la beegsadeeen gawaari Ciidamada Dowladu ay wateen oo marayay afaafka xarunta inji kuwaasoo ay la socdeen Saraakiil iyo Xildhibaano faderaalka ah.
Sidoo kale war kooban oo kasoo baxay taliska Booliska Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay in boolisku uu baaris ku haayo israsaaseyntii koobneyd ee xalay ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here