Gudiga dhamaystirka sharciga doorashada Soomaaliya oo howliohiisa bilaabay

Gudiga dhamaystirka sharciga doorashada Soomaaliya oo howliohiisa bilaabay.
Kadib markii Shalay qoraal kasoo baxay Guddoomiyeyaasha labada gole ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya lagu Magacabey guddi ka Shaqeeynaya diyaarinta xeerarka dhameystiraya sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa xubnaha gudigaas waxay guda galeen howlaha loo igmaday
Guddigaan oo ka kooban 17 Xubnood lagana soo kala xulay Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliya ayaa waxaay hataan bilaabeen Shqooyinkii loo igmadey ee diyaarinta Xeerarka Sharciga doorashooyinka Qaranka.
Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare kana tirsan Guddigaan dhawaan la magacaabay ayaa sheegay inay howshooda bilaabeen lagana sugayo xeerarka kala ah, Deegaameynta Kuraasta, Xeerka xaqiijinta Qoondada Haweenka, Xeerka Doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi (Soomaaliland) iyo Xeerka Xaquuqda matalaada dadka ku nool gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here