Gudiga dib u heshiisiinta galmudug oo manata Gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa Maaanta Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud gaaray Xubno ka mid ah guddiga dib u heshiisiinta Beeladaha dega deegaanada Galmudug ee uu dhawaan Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fedraalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Gudigaan oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa hoggaaminaya Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow oo ka mid ah la taliyeyaasha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ee Arrimaha Nabadeynta iyo Dib u heshiisiinta waxaana dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan maamulka gobolka Galgaduud iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Xubnaha ayaa la geeyay halka uu Magaalada dhuusamareeb ka degan yahay ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre,waxaana la filayaa inay Xubnaha Guddiga oo ka kooban 12 xubnood qaarkoodna ay ku sugnaayeen Dhuusamareeb ay la kulmaan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre.
Qaar ka mid ah xubnaha gudiga ee maanta gadhay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay ujeedada Safarkooda.Guddigaan ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin culus oo ay ka mid yihiin isku keenida Bulshada kala duwan ee ku nool deegaanada maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here