Gudiga doorashada Madaxweynaha Galmudug oo lagu dhawaaqayo.

Xildhibaannada Cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa Maanta yeelanaya kulankoodii ugu horeeyey tan iyo wixii ka dambeeyey doorashadii Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo dhacdey maalinkii Jimcaha ee ina dhaafay
Xildhibaanada ayaa Kulankooda waxaay kaga hadli doonaana Arrimo dhowr ah oo ka mid ah howlaha Horyaala,waxaana Xubno ka tirsan baarlamaanka Galmudug ay sheegeen in Maanta Lagu dhawaaqi doono guddiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ay Xildhibaannada dhexdooda iska soo xuli doonaan.
Saacadihii la soo dhaafey waxaa Dhuusamareeb ka socdey kulamo xasaasi ah oo ay leeyihiin musharixiinta Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaannada Cusub ee baarlamaanka Maamulkaas.
Ku dhawaad ilaa iyo 7 musharax ayaa u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug, waxaana musharixiinta qaarkood ay walaac ka muujiyeen habka ay u socoto doorashada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here