DHAGEYSO:Gudiga doorashada oo iska fogeeyay eedaymo loo jeediyay.

Xilli inta badan Siyaaasiyiinta Soomaalida iyo qaar ka mid ah Madaxda Xisbiyada siyaasdeed ee dalka ay shaki gelinayeen inay Soomaaliya ka dhaci karto doorasho qof iyo cod ah ayaa waxaa hadal hayntaasi ka jawaabay Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed
Guddoomiyaha Guddigaas Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in Dastuurka dalka Soomaaliya uu dhigayo qabsoomida doorasho qof iyo cod ah taas oo la meel mariyay 15-kii bishii July sanadkii ee 2015 wixii ka dambeeyayna aan la hirgelin.
Sidoo kale waxaay sheegtay Xaliima Yareey in doorasho ay ka dhaceyso Soomaaliya,isla markaana Guddiga doorashada ay ka been abuureen dad siyaasiyiin ah oo sheegay in guddiga shaqadiisa uu gabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here