Gudiga doorashooyinka Soomaaliya oo Xarun cusub ka Furanayo Galmudug.

Madaxa Xukumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Magalada Dhuusamareb ka Dhagax-dhigay Dhismaha cusub ee ay ku shaqeyn doonaan Guddiga Madaxa bannaan Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya qeybta deegaanada maamulka Galmudug
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Galmudug Cabdi Risaaq Diiriye Warsame ayaa Madaxa Xukumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan uga mahad celiyay Qaalinta uu ka qaatay inay gudiga u suura Gasho helitaanka dhul ay leeyihiin oo ku yaala Magaalada Dhuusamareeb halkaas oo xarunta gudiga laga dhisayo.
Madaxa Xukuumada Galmudug Sh Shaakir ayaa sheegay in gudiga doorashooyinka Qaranku hayaan howlo aad u muhiim ah sidaas Darteedna loo baahan yahay in lagu garab istaago Shaqada ay Qaranka u hayaan.
Dhanka kale Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa waxay kulan xarrunta Villa Hargeysa kula yeesheen Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee kasoo jeedo Goboladda Waqooyi ee dalka Soomaaliya.
Ujeedka kulankaan ayaa ahaa sidii ay aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka ugu soo bandhigi lahaayeen guddiga Xildhibaanada iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya,wqaxayna ku biiriyeen talooyinkooda iyo aragtiyadooda ku wajahan Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
Tan iyo markii la magacaabay guddiga Soo diyaarinta Sharciga Doorashada Qaranka ee golahaa shacabka ayaa waxay wadeen kulamo kala duwan oo ay la yeelanaayeen qeybaha bulshada si ay ula wadaagaan aragtiyadooda la xariira sharciga dooorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here