Gudiga EACC oo dacwad ku soo oogay 18 qof

Gudiga anshaxa iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa EACC ayaa 18 qof ku furay dacwad ka dhan ah lunsasho hanti dadweyne.
shaqsiyaadkan lagu soo eedeeyay musuqmaasuqa ayaa waxaa ka mid ahayd Elizabeth Ongoro oo horay xubin uga soo noqotay baarlamaanka Kasarani.
waxaa shaqsiyaadkan lagu soo eedeeyay inay lunsadeen lacag dhan 48,907,826.
Madaxa fulinta ee gudiga la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalka Twalib Mbarak ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dadkaasi ay ku guuldaraysteen inay raacaan sharuudaha iibka.
EACC ayaa sido kale sheegay in ay ku guuldaraysteen bixinta sanduuqa hormarinta ee dhismaha dugsiga sare ee gabdhaha Kasarani .
gudiga ayaa sheegay in 18-kaasi qof su’aalo laga weydin doono arrimaha musuqmaasuqa oo ay ku kaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here