Gudiga EACC oo qabtay xog’hayaha ismaamulka Migori

Dacwad oogayaasha gudiga Anshaxa iyo La-dagaallanka Musuq-maasuqa (EACC) ayaa maanta qabtay Xoghayaha isamamul goboleedka Migori Christopher Rusana kadib markii lagu eedeeyay inuu xafiiska u adeegsaday awoodiisa .
Qabashada Mr Rusana ayaa waxaa xaqiijiyay Agaasimaha gudiga EACC ee Koonfurta gobolka Nyanza David Kangara.
Tan ayaa imaanaysa iyadoo maanta beerta xuriyadda ee Uhuru Park ee magaaladatani Nairobi lagu qabtay mudaaharaad ay soo qabanqaabiyeen qaar ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqul aadanaha, arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.
Waxay sheegayaan in dowladda aynan si buuxda ula dagaalamin musuqmaasuqa oo la doonayo in tallaabooyin adag laga qaado dadka lunsado lacagaha dadweynaha loogu adeego.
Jawiga beerta xuriyadda Uhuru Park ayaa maanta sidatan ahaa

Qaar ka mid ah dadkii halkaasi isugu tagay ayaa faahfaahinaya sababta ay isugu soo baxeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here