Gudiga EACC oo xiray 6 qof

Guddiga anshaxa iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa-EACC ayaa xirey lix qof oo ay ku jiraan shaqaale hore iyo kuwa hadda ka shaqeeya Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee dalka ka dib markii lagu helay dambi ah soo iibsiga software-ka ee aan sharci aheyn.
Lixda qof ayaa lagu eedeeyay in ay ku iibsadeen software-ka qiimo dhan 100.7 milyan waxaana loo qiimeeyay qiyaas ahaan 18 milyan inay ku soo iibsadaan.
Kuxigeenkii hore ee hanti dhowrka guud Stephen Kinuthia, agaasimaha ICT Justus Ongera, Anne Mwangi maamulaha waaxda IT, waxaana sido kale ka mid ah Enkei Holdings Desmond Kinuthia, Charles Njuguna iyo Nelson Kinuthia ayaa xabsiga loo taxaabay .
War-saxaafadeed uu soo saaray madaxa fulinta gudiga anshaxa iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa Twalib Mbarak ayaa lagu sheegay in lixda shaqsi ay ka mid yihiin 24 qof oo kale oo maxkamadda la horkeeni doono kuwaasi oo dhamaantooda ku eedeysan musuqmaasuq.
wuxuu sheegay in agaasimaha dacwad soo oogida dalka uu u ogolaaday in ragaasi la soo xira si loogu soo oogo dacwado ka dhan ah musuqmaasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here