Gudiga IEBC oo loogu baaqay inay doorasho ka qabtaan Kibra ee Nairobi

Afhayeenka aqalka Baarlamaanka ee dalka Justin Muturi ayaa shaaca ka qaaday in kursiga deegaan baarlamaaneedka Kibra uu banaanyahay kadib markii uu geeriyooday xildhibaankii degmadaasi Ken Ken Okoth.
Waxaa uu sheegay in Kibra hadda ay u baahan tahay doorasho si qof kale uu jagadaasi u qabto.
Mr Muturi ayaa sheegay in gudiga madaxa banaan ee doorashooyiinka dalka IEBC ay seddax bilood fursad u heystaan inay doorasho ka qabtaan deegaankaasi.
Justin Muturi Afhayeenka aqalka Baarlamaanka dalka ayaa ugu baaqay gudiga IEBC inay isku diyaariyaan doorashada Kibra.
Kursiga xildhibaanka Kibra ayaa banaanaadey 26-kii bishii July kadib markuu cudurka kansarka u geeriyooday Ken Okoth

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here