Gudiga joogtada ah ee golaha shacbiga Soomaaliya oo kulan deg deg ah Yeelanaya

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Insiin Maanta ah ay kulan ku yeeshaan Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya,waxayna uga hadlayaan arrimo dhowr ah.
Wararka la helayo Kulanka Maanta ayaa sheegaya in Guddigu uga arrinsanayaan xilliga rasmiga ah uu furmayo Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka iyo waqtiga Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Yareey ay hor imaan doonto Baarlamaanka.
Xubnaha Guddiga ayaa la filayaa inay go’aamiyaan waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka si Xildhibaannada labada Aqal ay u guda galaan Shaqooyinkooda maadaama bilihii la soo dhaafay ay fasax ku jireen.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Yareey ayaa lagu waday in 27-ka bishan May ay hor-tagto Baarlamaanka,hayeeshee la sheegay inuu dib-udhac ku yimid arintaasi.
Guddoomiye Xaliimo yareey ayaa waxaa laga sugayaa go’aano culus oo ay kamid yihiin inay iclaamiso in doorashooyinka Soomaaliya waqtigooda ku dhacaan.
Wararka soo baxaya ayaa waxaay sheegayaan in Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran ay horaanta Bisha June ee Soo socota hortagi doonto Baarlamaanka,sida ay sheegeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here