Gudiga ka Baaraan dagida doorashada Soomaaliya oo Maanta la kulmaya Axsaabta siyasada

Gudiga Farmada ee ka baaraan dagida arimaha doorashada Soomaaliya ayaa lagu wada inat Maanta kulan la yeeshaan axsaabta Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.
Sii haya xilka wasiirka wasaarada Dastuurka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo ka mid ah Xubnaha dowlada Fedraalka Soomalaiya ku matalaya gudigaan farsamada oo la kulmay madaxweyneyaasha Maamulada Galmudug iyo koonfur Galbeed ayaa sheegay inay maanta markale kulan la yeelanayaan Axsaabta siyaasada iyo ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.
Wuxuu intaas ku daray in gudiga uu xubinta ka yahay ay qorshaynayaan sidii ay ula kulmi lahaayeen dhamaan dhinacyada danaynaya arimaha doorashooyinka Soomaaliya si loo helo Talooyin wax ku ool ah oo lagu Salayn karo nooca doorashada ee lagu wada in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo dhamaadka Sanadkaan ilaa iyo bilowga sanadka soo socda.
Dhamaan ra;yi aruunta gudigaan ayaana la doonayaa in lagu soo gabagabeeyay hor inta aan la tagin Magaalada Dhuusamareeb oo qorshuhu yahay in 15 bishaan oo ku began Maalinka Sabtida ee nagu soo aadan uu ka furmo wajiga sadexaad ee shirka ay ku kulmayaan hogaamiyeyaasha Dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo Maamulada gobolada kaasoo la doonayo in la iskula meel dhigo nooca doorashada ee Soomaaliya ka dhacays.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here