Gudiga ka hortaga Cudurka Covid 19 oo kulan yeeshay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddoomiyay shirka guddiga qaran ee kahor tagga cudurka COVID19,oo intiisa badan looga hadlo Arrimaha ku saabsan ka hortaga Coronavirus iyo ka falcelintiisa.
Kulanka Guddiga ayaa waxaa hoosta looga xariiqay dardargelinta barnaamijyada wacyi-gelinta ee bulshada lagu fahamsiinayo qatarta uu lee yahay xanuunkaan, sida looga gaashaaman Karoonaha & yaraynta faafitaankiisa.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo sidoo kalena ah gudoomiyaha gudiga qaran eek a Hortaga Xanuunka ayaa kula dardaarmay Xubnaha Guddiga inay xoojiyaan howlaha ka hortaga COVID19, isla markaana tallaaba kasta oo looga hortagayo ay fuliyaan.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bushada Soomaaliya ayaa waxay shalay shaacisay 62 xaaladood cusub oo la xiriira cudurkaan Covid-19,taasi oo tirada guud ee xanuunka Soomaaliya ku saameeyay ka dhigaysa 390 kiis .
18 qof ayaa sidoo kale Xanuunka u dhimatay oo labo shalay la soo tabiyay waxaana ka bogsatay ilaa 10 Ruux sida ay xaqiijisay wasaarada caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowlada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here