Gudiga musuqmaasuqa ee dalka oo dib u soo celiyay 2.7 bilyan oo la lunsaday

77

Madaxa guddiga la dagaalanka masuqmaasuqa ee (EACC) Twalib Mbarak ayaa sheegay in waxda ay soo ceelisay hanti gaareyso 2.7 bilyan oo shilinka dalka afartii bilood ee ugu dambeesay taas oo la sheegay in la xaday
Xilii uu la hadlayay warbaahinta ayuu ku tilmaamay arintan inay tahay faa’iido weyn marka la barbardhigo shantii sano ee ugu dambeysey oo kaliya la soo celiyay hanti qiimaheedu uu gaarayo 1 bilyan oo shilinka dalka ah
Sida laga soo xigatay madaxa guddiga EACC ayaa sidoo kale xusay in dib loogu celiyay goobo ay lahayeen jaamacada Nairobi oo ka soo horjeeday xarunta yaya centre iyo sidoo kale dhul baaxadiisu gaareyso 140 hektar dhulkaas oo ay lahayd uruurka beeraha iyo xoolaha (KALRO)
Mr Mbarak ayaa intaa ku daray in guddiga uu dabagal ku sameynayo ama looga hortagayo lunsashada hantida dadweynaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here