Gudiga qaban-qaabada Caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug oo la Kulmay Xaaf

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Xaflada Caleemo-Saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug Yuusuf Garaad Cumar oo maalmahaan socdaal ku marayey deegaano ka tirsan Galmudug ayaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug wuxuu kula kulmey Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle.
Kulanka ayaa waxaay labada dhinac kaga wada hadleen dhacdooyinkii horey uga dhacay deegaanada Galmudug kuwa weli taagan ee xalka u baahan iyo Arrimo badan oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee guud ahaan dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Xaflada Caleemo-Saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa maalmahaan ku guda jira qaban qaabinta Xaflada Caleema-Saarka,kadib markii dib loo dhigey,waxaana uu socdaalo kala duwan uu ku mareyay deegaano badan oo ka tirsan Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here