Gudiga wada xaajoodka Soomaaliya iyo Soomaaliland oo Muqdisho kulamo ka bilaabay.

Xubnaha Gudiga ee loo xil saaray wada hadalada u dhexeeya dowlada Fedraalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland ayaa waxay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ka Bilaabeen kulamo wadatashi ah oo ay la yeelanayaan dhinacyo kala duwan.
Waxay Xubnahaan Shalay la kulmeen golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya waxayna ka wada Hadleen Muhiimada qorshaha la xiriira bilowga wada hadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.
Gudoomiyaha gudiga wada Xaajoodka Soomaaliya iyo Soomaaliland C/laahi Sh Ismaaciil sidoo kalena ah mudane ka tirsan golaha shacabiga Soomaaliyeed ayaa faahfaahinaya kulankaas ay shalay la yeesheen gudoomiyaha aqalka Sare ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha aqalka Sare ee Soomaaliy Cabdi Xaashi C/laahi ayaa isna sheegay in la joogo xili muhiim ah oo u baahan dib u baadi goobka wadahadalka labada dhinac iyo qancinta dadka waqooyi ee Soomaaliyeed,wuxuuna gudoomiyuhu gudiga wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland ka dalbaday inay si dhaqso ah u guda galaan howsha loo igmada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kalhore wuxuu magacaabay gudiga wada xaajoodka dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland waxaan gudigaas loo igmaday inay raadiyaan xalka tabashada Soomaaliland si markale loo mideeyo dadka Soomaaliyeed ee arimaha siyaasiga iyo tabashooyinka ku kala fogaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here