Gudigii uu madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay shaqaaqadii Beledweyne oo maanta tagaya halkii ay wax ka dhaceen.

Kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo uu shalay u magacaabay guddi baaritaano ku sameeya Dilkii Beledweyne loogu gaystay taliyihii qeybta booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow ayaa ,waxay gudigaasi Maanta ay tegayaan Magaalada Baladweyne.
Guddigaan oo uu guddoomiye u yahay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ayaa waxaa qeyb ka ah Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.
Guddigaan ayaa la faray inay baaritaan dhab ah kusoo sameeyaan sababtii ka dambeysay dilka taliyihii qeybta booliska Gobolka Hiiraan Col, Maxamed Macow Xalane oo ku dhintay dagaalkii deegaanka Kalabeyr ee duleedka degmada Beledweyne.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ahna gudoomiyaha guddigaas ayaa shalay isaga oo Saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho sheegay in guddigooda uu si wanaagsan baaritaano ugu sameyn doono wixii ka dhacay deegaanka Kalabeyr ee lagu dilay Taliye Macow.
Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Baladweyne ayaa soo dhaweeyay guddigaas,wuxuuna sheegay in guddi kale oo la Shaqeeynaya uu Magacaabi doono si baaritaanka ay u wada sameeyaan.

Xiisadii ka dhalatay xilka qaadistiui Guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa weli ka taagan Baladweyne, iyada oo shalay banaanbax looga soo horjeedo Maamulka Hir-Shabeelle uu ka dhacay Baladweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here