Gudoomiayaha aqalka Sare ee Soomaaliya oo dhuusamareeb gaaray.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Masuuliyiin Maamulka ka tirsan.
Wafdiga Guddoomiyaha oo ay qeyb ka yihiin Xubno ka tirsan Aqalka Sare ayaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Dhuusamareeb.
Ujeedka wafdiga Guddoomiyaha Aqalka Sare ay Maanta ku tageen Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu Caawa furi doono kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug.
Inta uu ku sugan yahay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi wuxuu kulamo la qaadan doonaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here