Gudoomiyaha aqalka Sare ee Soomaaliya oo ka qayb galay shirka Baarlamaanka aduunka.

Wafdi ka socda dowlada fedraalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo gudoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa dlaka Ruushka uga qayb galay madasha Baarlamaanka aduunka oo halkaasi ka dhacday.
Shirkii Madasha Baarlamaanada Adduunka ayaa lagu soo geba-gebeeyay magaalada Moscow ee caasimadda Dalka Ruushka,waxaana intuu socday lagu falanqeeyey doorka Xeer-dejiyeyaasha Adduunku ay ka qaadan karaan xal u helidda mashaakilaadka adduunka haysta.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi oo hoggaaminayey ergada Soomaaliyeed ee shirkaasi ka qaybgalay ayaa madasha ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay arrimaha muhiimka ah ee ay tahay in lagu xaliyo Madasha Baarlamaanada Aduunka,taasi oo si weyn loo gorfeyeey intii uu socday shirkaasi.
Ergada Soomaaliyeed waxaa ay sidoo kale kulamo gooni gooni ah la yeesheen Guddoonada Labad Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Ruushka,ayadoo ay labada dhinac isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada dal,gaar ahaan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Ruushka.
Gabagabadii shirka waxaa ka hadlay Madaxweynaha Ruushka Fladamir Butin oo sheegey muhiimada iyo doorka Baarlamaanada Adduunka ee xalinta dhibaatooyinka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here