Gudoomiyaha aqalka Sare ee Soomaaliya oo sheegay in la been abuuray xeerka Maaliyada Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa codsaday in baaris degdeg ah lagu sameeyo waxa uu ku tilmaamay been abuur lagu sameeyay Habraaca dhaqan galinta Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Xaashi ayaa waxaa uu ku sheegay in Guddoonka Golaha Shacabka uu been abuur ku sameeyay Xeerka Maaliyadda Guud ee dalka Soomaaliya gaar ahaan qodobka 27aad oo ah Xeerka maareynta Maaliyadda Guud ee dalka oo ay waxka bedel ku sameeyeen.
Waxaa Qoraalka Gudoomiyaha Aqalka Sare sidoo kale lagu sheegay in Xeer aan aheyn kii ay waxka bedel ku sameyeen Golaha Aqalka Sare ay Golaha shacabku madaxweynaha u gudbiyeen uuna saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo,iyadoo Madaxweynaha loogu baaqay inuu baaris deg deg ah ku sameeyo Arrintaas.
Guddoomiyaha Golaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa horay qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in waxka bedel lagu sameeyay Sharciga doorashooyinka Qaranka oo ansixiyeen Golaha shacabka sidoo kalena uu saxiixay Madaxwyenaha Soomaaliya Maxamed C/laahi farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here