Gudoomiyaha aqalka sare oo ka soo horjeestay magacaabista gudiga doorashada Fedraalka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi cabdillaahi ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble inuu ka tagay Xubno uu u gudbiyay,oo uu doonayay in lagu daro Guddiga doorashooyinka Soomaaliya.
Xalay Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu ku dhawaaqay guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka ee Heer federal, hayeeshee guddoomiyaha Aqalka Sare wuxuu sheegay in xubno uu u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha laga waayay liiska Xubnaha guddiyada ee la shaaciyay.
Qoraal uu soo saaray Maanta guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi cabdillaahi oo la ogeeysiiyay, Madaxweynaha , Ra;iisul Wasaaraah & Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa lagu sheegay in Xubnaha uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble hadii ay ku jiraan Xubno maamulaya doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi aysan ka warqabin,isla markaana matalin.
Xubnaha gudiga doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka Soomaaliya ee Xalay la shaaciyay ayaa waxay ka kooban yihiin 46 Xubnood oo isugu jira 25 ah gudiga doorashooyinka iyo 21 ka mid ah gudiga Xalinta khilaafaadka.
8-dii Bishii oktoober ee sanadkaan ayaa Guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa uu Magacaaabay Xubnaha Gobolada Waqooyi ku matalaya Gudiga doorashooyinka & Gudiga xalinta khilaafaadka, Xubnahaas oo uu sheegay guddoomiye Cabdi Xaashi in laga reebay Guddiyada uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ee Xalay la shaaciyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here