Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Hiiraan oo la wareegay Xarumo Muhiim ah

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Ciidamo uu watay ay sinabad ah kula wareegeen Xarunta Maamulka ee Magaalada Beledweyne.
Xarunta ayaa waxaa inteeda badan gacanta ku haayey Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Carraale ee uu Madaxweyne Waare xilka ka qaadey,hayeeshee diiday xilka qaadistaas,waxaana la soo sheegayaa in Ciidamada Guddoomiyihii hore ee Gobolka iyo Saraakiisha ay u wareegeen dhinaca Guddoomiyaha Cusub.
Warbaahinta Gudaha Magaalada Beledweyne ayaa waxaay soo sheegayaan in xaalada haatan ay tahay mid degan,isla markaana Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ee aan xilka wareejin Cali Muxumed Carraale uu ku sugan yahay qeyb kamid ah Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Beledweyne.
Saddex Todobaad ka hor ayay aheyd markii Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu xilkii Guddoomiyenimo ka qaadey Cali Muxumed Carraale,hayeeshee uu diidey,xilligaas wixii ka dambeeyeyna uu sheegayay inuu isagu weli yahay Guddoomiyaha rasmiga ah ee Maamulka Gobolka Hiiraan.
Dhanka kale waxay Faah faahin dheeraad ah kasoo baxaysaa Kooxo hubeysan oo Askari la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka xoogga dalka Guutada Shannaad qeybta 27-aad ay dil ugu geysteen Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dilka askarigaan oo Magaciisa lagu sheegay Liibaan Axmed ayaa yimid kadib markii ay weerar kusoo qaadeen rag hubeysan xilli uu ku sugnaa xaafadda Buundo-weyn gaar ahaan Buulo yacquub,waxaana la sheegay is israsaaseyn dhex-martey askariga iyo ragga hubeysan uu ku geeriyoodey askariga.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ragga hubeysan ee falkaasi ka dambeeyey ay goobta isaga baxsadeen,hayeeshee Ciidamo gurmad ahaan ugu yimid ay meydka askariga ay goobta ka qaadeen.
Wararka laga helayo Beledweyne ee Xarunta gobolka ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan qeybta 27aad ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilka askariga.
Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Beledweyne iyo taliska Ciidanka Booliska Magaaladaasi weli kama hadlin falka dilka ah,waxaana mas’uuliyada dilka askariga sheegtey Ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here