Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay inay jiraan shaqsiyaad lidi ku ah hormarka gobolka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in Amniga Guud ee dalka Soomaaliya uu yahay mas’uuliyad wadareed looga baahan yahay qof walba oo muwaadin Soomaali ah inuu kaalintiisa ka soo qaato.
Duqa Caasimada Muqdisho oo hadal ka jeedinayay kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Kaaraan ay tahay degmo baaxad weyn, hayeeshee Shaqsiyaad dano gaar ah leh ay lidi ku yihiin Amniga degmadaas.
Waxaa uu sheegay si looga gudbo amni darrada kajirta degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir loo baahan yahay in Bulshada ay la yimaadaan aragti lagu sugi karo amniga iyo inay si wadajir ah uga qeyb qaataan ka hortagga Amni darrada ay ka geysanaya degmada Kaaraan.
Kulankaan ayaa wuxuu ahaa mid looga hadlayay xal u helida falalka amaanka darada ee degmada Karaan ka dhaca kuwaasoo ay gaystaan rag la sheegay inay qaarkood ku labisan yihiin dharka ciidanka iyo kuwo ayaguna ku labisan dhar caadi ah.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa in tuugada iyo dadka dhibaatooyinka gaysta ay yihiin kuwo aad u dhaqan xun oo bulshada caqabad ku ah loona baahan yahay inaysan cidna u damqan.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa waxaa uu daba socdaa, kadib markii Amni darro baahsan ay ka dhacday degmada Kaaraan, isla markaana dadka Shacabka ah ay cabasho u soo gudbiyeen Maamulka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here