Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xariga ka Jaray waax ka mid ah Degmada Warta Nabada

Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Casimadda Soomaaliya ee Muqdisho Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ay wehlinyaan Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Amniga iyo Afhayeenka Maamulka  gobolka Banaadir ayaa waxay maanta si wadajir ah xariga uga jareen Waaxda Barwaaqo ee degmada Warta Nabada..

Munaasbadda xarig-jarka ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa Guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabseey iyo Mas’uuliyiin kale,waxana masuuliyiintaasi sheegeen inay xaruntaasi  tahay mid muhiim u ah dadka ku nool degmada Warta nabada ee magaalada Muqdisho.

Gudodomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa sheegay in dib u dhiska xarumaha danta guud ee bulshada loogu adeegayo ay  marwalbo maamulka gobolka Banaadir u tahay mudnaan gaar ah si shacabku u helaan adeegyada muhiimka ah ee ay dowlada kaga baahan yihiin,sidoo kale bilicda magaaladu u wanaagsanaato.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here