Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo xariga ka jaray wado Cusub.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga kajaray dhismaha wadada isku xirta Isgoysyada Siinaay iyo Baar Ayaan ee degmooyinka Warta-Nabada iyo Yaaqshiid.
Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay bulshada Caasimadda kunool iney xoojiyaan ilaalinta nadaafada iyo bilicda wadooyinka Magaalada.
Wadada isku xirta Isgoysyada Siinaay iyo Baar Ayaan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaay kamid tahay wadooyinka ugu muhiimsan Caasimadda ee badi bulshada ay isticmaalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here