Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo ku baxay shaqaaqo ka dhacday degmada Jalalaqsi.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee abrtamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale & Wafdi uu hoggaaminayo ay u ambabaxay degmada Jalalaqsi ee isla Gobolka Hiiraan oo laba maalin ka hor uu ka dhacay dagaal sababay khasaare kal duwan.
Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyey Ciidamada Ka socda Jamhuuriyada Jabuuti ee qaybta ka ah Howlaglka AMISOM iyo Ciidamada Booliska degmadaas,kadib markii ay isku khilaafeen in hawada laga saaro Subaxdii hore Isgaarsiinta Magaladaasi,xilli Ciidamada AMISOM ay howlgalo miino baaris ah fulinayeen agagaaarka degmada Jalalaqsi.
Dagaalkii ka dhacay degmada Jalalaqsi ayaa waxaa uu sababay in dhamaan Xarumihii uu ku Shaqeeynayay Maamulka degmada ay la wareegaan Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Howlgalka AMISOM eeku sugan Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa marka uu gaaro degmada Jalalaqsi waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo Mas’uuliyiinta Maamulka degmada si loo xaliyo shaqaaqadii dhex-martay labada dhinac.
Waa markii ugu horeysay ee Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan uu safar ugu ambabaxo mid kamid ah degmooyinka Gobolka Hiiraan tan iyo markii la xilkaasi loo Magacaabey bilow ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here