Gudoomiyaha gobolka Mudug oo qaadacay xilka qaadis lagu Sameeyay.

Kadib markii Habeen ka hor Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu soo saaray Wareegto uu xilka kaga qaadayay Gudodomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug,ayaa waxaa hada Talaabadaasi ka hor yimid gudoomiyaha xilka laga qaaday.
Cabdi Rashiid Xaashi Cartan oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in warqada xilka qaadista aan lagala tashan,isla markaana Baraha Bulshada uu ku arkay.
Waxa uu Tilmaamay in Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Mudug uu la sameeyay wadatashi sidaas daraadeedna aysan xilligaan jirin wax xilka qaadis ah.
Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Galudug Cabdi Rashiid Xaashi Cartan ayaa Sidoo kale ka hadlayay xiriirka dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug wuxuuna sheegay in Galmudug aysan xiriirka u jari Karin Dowladda Federaalka maadaama ay tahay Xubin ka mid ah dowladda.
Hadalka Gudoomiyii xilka laga qaaday ee Gobolka Mudug Cabdi Rashiid Xaashi Cartan ayaa kusoo aadaya xilli xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ay weli ka taagan tahay Magalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Bartamaha dalka Soomaaliya,kadib markii uu isna diiday xilka qaadistaas eedaymana u jeediyay madaxweynaha maamulka Hirshabeele iyo ku xigeenkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here