Gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose oo ka hadlay dagaal Xalay ka dhacay nawaaxiga Awdheegle.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Adan Cali (Najax) ayaa ka hadlay weerar Xubno ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ay saakay waberigii hore ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Ceel-Saliini ee Gobolka Shabeelada hoose.
Weerarkaas ayaa sida la sheegay waxaa uu ahaa mid ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabah qarxa,isla markaana Al-Shabaab ay la beegsadeen Saldhiga Ciidamada ee deegaanka Ceel-Saliini,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo saacado ah socday sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya Baahisay.
Guddoomiye Najax ayaa Xusay in Ciidamada dowladda ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Al-Shabaab,sidoo kale ii guul u rajeynayo Ciidamada Dowladda ee la dagaalamay Xoogga Shabaabka.
Gudoomiyaha ayaa sheegay inuu bogaadinayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah iskana difaacay kooxda weerarka kusoo qaaday deegaanka ceel-saliini ee degmada Awdheegle.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga ayaa dhankooda sheegay inay weerarkasi iska difaaceen,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen Shabaabka,hayeeshee Al-Shabaab ayaa dhankooda waxay sheegteen inay la wareegeen Gacan ku heynta Saldhiga sidoo kalena ay askar dileen wallow aysan jirin illo kale oo arintaasi xaqiijinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here