Gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose uu wacad ku maray inay cadaalada helayaan dadka Walanweyn lagu dhibaateeyay

Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa uu kulan ku dhex-marey mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose,saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Odayaasha dhinac kamid ah kuwa ku dagaalamay degmadaas oo dhibaato weyn ay ka dhacday.
Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid Guddiga isku dhafka ah ee Dowladda dhexe iyo Maamulka Koonfur Galbeed halkaas u direen ay su’aalo ku weeydiinayeen Odayaasha labada dhinac Mashaqadii ka dhacay Wanlaweyn iyo Tuulooyinka hoos yimaada.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoos Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa ugu baaqay Odayaasha dhinacyada ay dirirtu dhex-martey inay ka fogaadaan waxkasta oo Colaad keeni kara.
Waxaa uu sheegay in iyagu ay rabaan cadaalad,isla markaana cidkasta oo dambi ka gashay Shacabka halkaas ku nool ay Cadaaladda horkeeni doonaan,hayeeshee Odayaasha labada dhinac laga doonayo inaysan gadaal marsan dadka dambiilayasha ah oo ay saraakiisha garab ku siiyaan in cadaalada la horkeeno.

Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka dhacay dagaal toos ahaa iyo dilal kala gooni gooni ahaa oo la xiriirey aanooyin qabiil,iyadoo sidoo kale taasi ay sababtay dhacdooyin naxdin leh oo ay kamid ahaayeen in qof la gowraco kuwo kalena inta la dilo in meydkooda la gubo taasoo caro xooggan iyo canbaarayn weyn ay ka dhalatay keentayna inay Saraakiisha ugu saraysa Maxkamada Darajada Koobaad ee ciidamada qalabka sida ay gobolkaasi tagaan halkaasna ka bilaabaan baaritaano la xiriira mashaqadii dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here