Gudoomiyaha golaha shacabka oo Muqdisho ku soo laabtay

Gudoomiyaha golaha shacabka oo Muqdisho ku soo laabtay
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar ugu maqnaa wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta waxay dib ugu laabteen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Guddoomiyaha intii uu joogay Magaalada Jabuuti wuxuu ka qeybgalay kulan lagu furayay kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, wuxuuna khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Dalka Jabuuti, isagoo si qoto dheer uga hadlay xiriirka walaaltinimada iyo wax wada qabsiga ku dhisan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti gaar ahaan iskaashiga labada Baarlamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here