Gudoomiyaha guddiga madaxa Banaan ee doorshada Soomaaliya oo ka Jawaabtay eedayn ay Mucaaradku u jeediyeen

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yareey) ayaa ka Hadashay eedeyn ay u soo jeediyeen qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya oo qaarkood ka dalbaday inay is casisho.
Guddoomiye Xaliimo yareey ayaa sheegtay inaysan Guddigooda ahayn dad dambiileyaal ah oo qaban waayay Shaqadii loo diray,hayeeshee ay horay u soo gudbiyeen in baahi badan oo la xiriirta arrimaha doorashada ay jirto.
Waxaa ay sheegtay in weli aan la helin waxyaabihiimii muhiimka u ahaa doorashada,sida Dhaqaalaha,hayeeshee Madasha Xisbiyada laga doonayay inay dhaqaalahaas la baadi goobaan Gudiga,balse ay jawaab uga dhigeen is casil.
Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yareey) ayaa Maalin ka hor waxaay ka hor sheegtay Xildhibaannada Golaha Shacbaka inay Guddigooda u baahan yahay muddo 13 Bilood ah si doorasho xalaal ah oo shacabku ka qayb qaataan loo qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here