Gudoomiyaha gudiga doorashada Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka doorashooyinka Africa ee Xiliyada adag.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliima Ismaciil Ibraahim Xaliima Yareey ayaa ka qaybgashay kulan Muuqaalka internetka ah oo u dheexeeyay Guddiyada doorashooyinka Africa hay’adda ay ku mideysanyihiin ee African Election Management Bodies (EMBs ).
Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay waaxda arimaha siyaasadda ee Midawga Afrika Department of Political Affairs (DPA) of the African Union Commission (AUC), iyada oo diirada lagu saaray arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashooyinka dalalka Africa ee xiliyada ay Jiraan masiibooyinka dabiiciga ah.
Kullanka ayaa looga hadlay saamaynta Xanuunka Safmarka ee COVID-19 iyo Doorashooyinka dalalka Afrika, iyadoo ka soo qaybgalayaasha kulanka ay wadaageen qibradooda la xariirta maaraynta doorashooyinka marka ay jiraan aafooyinka dabiiciga ah sida cudurka Covid 19 oo dalal badan oo Soomaaliya ka mid ah saamayn ku yeeshay.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliima Ismaciil Ibraahim Xaliima Yareey ayaa kulanka ka sheegaty sida ay Soomaaliya ugu diyaar garoobayso doorashada la filayo inay dalka Soomaaliya ka dhacdo horaanta sanadka ee 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here