Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Soomalaiya oo la Kulantay Safiirka Sweden

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomalaiya Xaliima Ismaciil (Xaliimo yareey) ayaa xafiiskeeda ku qaabishay safiirka Dawaladda Sweden ee ku matala dalka Soomaaliya Amb. Staffan Tillander.
Safiirka iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada-hadlay xaaladihii u dambeeyay ee arrimaha doorashooyinka qarnaka Soomaaliyeed iyo isbadelladii dhacay maalmihii la soo dhaafay maadaama dalka uu galayo waqti doorasho mudada harsana ay aad u kooban tahay sidoo kale la doonayo inay doorashadu ku dhacdo Xiligeeda.
Waxaay sidoo kale ka wada-hadleen geedi socodka dimoqaraadiyadeynta Dalka Soomaaliya iyo tageerada Sweden ay ka gaysanayso dhismaha iyo tayeynta Guddiga Madaxabannan ee Doorashooyinka Qaranka oo aasaas u ah geedi-socodka hanaan doorasho oo dimoqoraadi ah kana qabsooma Soomaaliya mustaqbalka gaar ahaan doorashooyinka danbe ee ugu soo horeeye marka laga gudbo tan hada soo aaddan.
Gudoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliima Ismaaciil Ibrahaim Xaliimo yareey ayaanan wax saameyn ah ku yeelan doonin doorashada soo socota ee Soomaaliya maadaama heshiiskii doorasho ee Magaalada Muqdisho ay ku wada Gaareen madaxda dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo Maamul goboleedyady lagu gaaray islamarkaana uu dhigayo in la Soo Magacaabo Guddi doorasho oo ka kala socda Heer Federaal & Heer Maamul Goboleed kaasoo anba qaadaya howlaha doorashooyinka sidoo kalena yeelanaya Masuuliyada agaasinta doorashada Soo aadan ee Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here