Gudoomiyaha gudiga qaban qaabada Todobaadka Xoriyada Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada todobaadka xorriyadda iyo midnimada Qaranka Soomaaliya,ahna wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiisa Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shir jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu ku faah-faahiyay howsha uu soo qabteen guddigu ee la xiriirta todobaadka Xoriyada oo ah Maalmo ku weyn umada Soomaaliyeed.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa faahfaahin ka bixiyay wax qabadkii dowlada ee Sadexdii Sano ee la Soo dhaafay wuxuuna Tilmaamay in Maadaama cudurka Coronvirus oo Soomaaliya ka jiro Sanadkaan Munaasabadaha xoriyada ay noqon doonaan Mashaariic dhanka Hormarka ah oo aysan jiri doonin munaasabado la isugu imaanayo.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa si weyn looga dareemayaan todobaadka Xoriyada Umada Soomaaliya oo Jumcada Bari ah bilaabanaya kuna eg kowda Bisho Luulyo.
Magaalada Muqdsho waxaa Maalmahaan lagu arkayaa Muqaal ka duwan kii hore waxaa la nadiifiyay Laamiyada Magaalada sidoo kalena waxaa Calanka Jamhuuriyada lagu buufiyay Goobaha Ganacsiga iyo meelaha faras Magaalaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here