Gudoomiyaha ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru oo ka badbaaday xil laga qaadi rabay

Gudoomiyaha ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa ka badbaaday in xilkeeda laga qaado ka dib markii ay mooshiin u qaadeen wakiilada dowlad deegaanka Kirinyaaga
Waiguru ayaa caqabado adag la kulmaysay mudooyiinkii la soo dhaafay iyadoona lagu eedeeyay inay maamul xumi ay ku kacday.
Guddi ka kooban 11 xubnood oo maalmo ka hor aqalka sare uu u xilsaaray inuu baaritaano ku sameeyo xilka qaadistii barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa maanta warbixin u soo badnhigay aqalka senetka
Gudigan ayaa sheegay inaysan jirin cadeymo ku filan oo xilkeeda ay ku weyn karo gudoomiye Waiguru.
Aqalka sare ayaa maanta yeelanaya kal-fadhi gaar ah oo lagu eegaya warbixinta.
Guddoomiyaha aqalka Senate-ka ,Ken Lusaka ayaa sheegay inay maanta qodobkan oo keliya ka hadli doonaan .
Wuxuu intaa ku daray in kaddib kulanka galabta howlaha aqalka sare la hakin doono ilaa 7-da bisha Toddobaad ee sannadkan.
Guddiga eegaya xilka qaadistii Waiguru ayaa waxaa hoggaaminaya senatarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala.
Maalmihii la soo dhaafay waxay xubnaha guddigan dhagaysanayeen faahfaahino ku saabsna eedeymo loo cuskaday go’aankii xilka looga xayuubiyay Waiguru.
9-kii bishan ayay ahayd markii 23 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee Kirinyaga ay si aqlabiyad leh ugu codeyeen inay xafiiska baneeyo barasaabka oo ay ku eedeyeen maamul xumo sida musuqmaasuqa iyo inay dastuurka ku xadgudubtay.
Waxay Waiguru dhankeeda sheegtay in xilka qaadisteeda ay tahay mid salka ku hayso arrimo siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here