Gudoomiyaha Kiambu oo ku guuldaraystay bixin lacag damaanad ah

Barasaabka Kiambu Ferdinand Waititu ayaa xalay ku hoyday xabsiga Industrial Area kadib markii uu ku guuldaraystay inuu waqtikeeda ku bixiyo lacag damaanad ah oo shalay la doonayay inay maxkmadda ku sii dayso.
Xaaskiisa Susan Wangari ayaa iyaduna xalay ku sugneed xabsiga dumarka ee Langata.
Mr Waititu oo loo heysto inuu bixyay qandaraas sharci daro ah oo dhan 588 milyan ayaa shalay garsooraha maxkamada sare Lawrence Mugambi ku sii daayay 15 milyan balse uu bixinteeda ku guuldaraystay .
Madaxa u qaabilsan Waddooyinka Kiambu Lukas Wahinya, shan xubnood oo ka tirsan Guddiga Qiimeynta Qandaraaska Kiambu iyo laba agaasime oo ka socda shirkada ganacsiga ee loo yaqaan ‘Testimony Enterprises Limited’ ayaa lagu xukumay inay bixiyaan dammaanad lacageed oo u dhexeysa 1 milyan iyo Ksh 4 milyan.
Dhinaca kale Ku-xigeenka gudoomiyaha ismaamulka Kiambu James Nyoro ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu sii hayo shaqada uu hayay Ferninand Waititu oo ay ku socdaan dacwado ka dhan ah musuqmaasuqa.
Nyoro ayaa sheegay inuu la shaqeyn doono dhamaan saraakiisha ugu sareeysa ee ka hawlgasha dowlad deegaanka Kiambu si ay adeegyo u gaarsiiyaan shacabka ismamaulkaasi.
Tani ayaa timid kadib markii ay maxkmada ku amartay gudoomiyaha Kiambu inuusan tagi Karin xafiiskiisa shaqada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here