Gudoomiyaha Kitui oo walaac ka muujisay Ayaxa

Barasaabka ismaamulka Kitui charity Ngilu oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in weerarka ayaxa uu yahay musiibo caalami ah oo saameneysa cuntada Gobolka islamarkaasina dowlada ay sii xoojin doonta dadaalada ay kula dagaalameyso ayaxani.
Dhanka kale beeraleyda deegaanka Kitui ayaa waxaa cabsi ballaran ay ka muujiyeen ayaxa ku habsaday degmooyinka qaarkood ee ismaamulkaasi.
Beeraleyadani ayaa waxaa ay sheegeyn in cayayankani uu baabinayo dalaqyadi ay beerteen.
Shacabka dowlad deegaankaasi ayaa sidookale ka cabsi qabaan in ay la soo daristo cuno yari.
Waxaa uu horay uu saameyn ballaran ku yeeshay ismaamullada Garissa, Wajeer, Mandera, Samburu, Meru, Marsabit iyo Baringo.
Dhawaan ayey ahayd markii ayaxa laga soo tabiyay dowlada ismaamulka Kitui iyo deegaanada hoos taga.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii hay’adda beeraha iyo cunnada adduunka ee FAO ay sheegtay in Ayaxa uu saameyntii ugu badneyd muddo 70 sano ah ku haya Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here