Gudoomiyaha Marka oo ka warbixiyay dagaal Magaaladaasi ka dhacay.

Guddoomiyaha degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeeleaha Hoose Cabdullaahi Cali Axmed Waafow ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal xalay Fiidkii Marka ku dhex-marey Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab.
Guddoomiyaha oo la hadlay warbaahinta gudaha Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen Ciidamadu weerarka kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen.
Waxaa uu Xusay in Ciidamada xilliga la soo weerarayay ay ku jireen feejignaan,isla markaana laga warhaayey weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiyaha ma sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Magaalada Marka ku dhex-marey Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.
Dhanka kale Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa faah afahin ka bixiyey howlgaladii ugu dambeeyey ee Ciidamada Dowladda soomaaliya ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Taliyaha Ururka 5aad Guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya ee Danab Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) ayaa Warbaahinta Ciidamadda Qalabka sida u sheegay inay howlgalka kaga dileen 12 ka tirsan Al-Shabaab 15 kalana kaga dhaawaceen.
Sidoo kale Taliyaha wuxuu sheegay in Ciidamada ay la wareegeen deegaannada Malaayleey, Janaale gaay, Reerneeroow,Bandar Jadiid iyo sidoo kale degaanka Bengaani, oo qiyaastii 37 km ujirta Magaalada Kamsuuma.
Taliyaha ayaa intaasi kudaray in howlgalka intii uu socday ay 9 mino soo saareen ciidanka isla markaana ay sii wadidoonaan howlgalka inta ay Al-Shabaab kaga saarayaan degaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Jubbooyinka.
Howlgaladaan ayaa imaanaya ayadoo dhanka kalena Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya S/guudto C/Xamiid Maxamed Dirir uu booqday Difaacyada Ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin Degaanada Awdheegle,Bariire,Sabiid iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellada Hoose.
General C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa mid mid u dul istaagay Difaacyada isagoona halkaasi kula kulmay Ciidamada ku jira difaacyada iyo Saraakiishooda.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya General C/Xamiid Maxamed Dirir waxa uu ciidamada faray inay u diyaar garoobaan Howlgal ka dhan ah Al-shabaab ee looga saaraayo deegaannada gobolka shabellada hoose.
Safarka Taliyaha ciidanka Lugta ayaa ahaa mid dhulka ah,isagoona Booqday fariisimaha ciidamada xoogga dalka oo ay horey ugala wareegeen Ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here