Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Muqdisho oo Amaro la faray

Shirka Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay xarunta Dhalinyarada Gobolka Banaadir ee Caasimada Muqdisho waxaana shirkaas Gudoominayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).
Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay ololaha canshuur ururinta Furitaanka wadooyinka muhiimka ah ee Caasimada si ay shacabka ugu fududaato adeegyadooda iyo qodobo kale.
waxaa kale oo la iskula soo qaaday Shirka Dardar galinta Nadaafadda Magaalada iyo Amniga,iyadoo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu daradaaran iyo amaro kala duwan dul-dhigay Gudoomiyeyayaasha degmooyinka Gobolka.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo shirka kadib warbaahinta faah faahin ka siiyay waxyaabaha ay kaga hadleen ayaa sheegay in guddoomiyeyaaha degmooyinka Gobolka Banaadir la faray inay furaan wadooyinka lagu xirmay dhismooyinka Sharci darrada ah ee Caasimada Cariiriga u keenay si bilicda iyo Nadaafada Magaalada Loo wanaajiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here