Gudoomiyhihii Wakiilada Puntland oo gaaraya degmada Badhan.

Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa Maanta gaaray Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Maxamed Axmed Dhoobo-Daareed,oo dhawaan Xubnaha Golaha Wakiilada maamulkaasi ay xilkii ka qaadeen.
Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed ayaa maalmahaan ku sugnaa deegaano katirsan Gobolka Sanaag,waxaana shalay uu gaaray,isla markaana uu kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag.
Odayaasha & Waxgaradka Magaalada Dhahar iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa soo dhaweeyey Wafdiga Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed Guddoomiyihii Baarlamaanka maamulka Puntland.
Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed oo soo dhaweyn kadib Warbaahinta la hadlay ayaa uga mahad celiyey soo dhaweynta loogu sameeyey Magaalada Dhahar.
Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed ayaa la filayaa inuu kulamo kala duwan oo wadatashi ah uu la qaato qeybaha Bulshada ku nool Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag oo uu maanta gaadhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here