Gudoomiyihii gobolka Mudug eee Puntland oo qarax lagu dilay

Warar dheeraad ah ayaa waxaa kasoo baxaya qarax maanta ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,kaasoo ay ka dhalatay qasaare dhimasho iyo dhaawac jugtiisana laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.
Wararka ayaa sheegaya in qof ismiidaamiyay uu isku qarxiyay Gaari uu saarnaa Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur ,waxaana la xaqiijiyey inay qaraxaasi ku geeriyoodeen Guddoomiyihii Gobolka Mudug iyo Saddex Askari oo la socotay xilli ay kasoo baxayeen Xarunta Maamulka Gobolka ee Magaalada Gaalkacyo.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa la geeyay halka uu qaraxa ka dhacay,waxaana socda gurmad loo sameynayo dad la sheegay inay ku sugnaayeen halka qaraxa uu ka dhacay oo dhaawac uu soo gaaray.
Laamaha Ammaanka Maamulka Puntland gaar ahaan kuwa Gobolka Mudug ayaa la Filayaa inay ka hadlaan nooca qaraxaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay,waxaana hataan dadka loo diidayaa inay ka ag dhawaadaan halka uu qaraxa ka dhacay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxaan loo adeegsaday Mooto Bajaaj waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay gaari uu gudoomiyaha iyo ilaaladiisuba saaraayeen.
29-kii Bishii Maarso ee sanadkaan 2020 ayay aheyd markii qarax ismiidaamin ahaa lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir),xilli uu ku sugnaa Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal gudoomiyaha gobolka Mudug ayaana kii labaad ee qarax lagu dilo noqonayo mudo labo bilood ka yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here