Gudoomiyihii hore ee Degmada Dhuusamareeb oo la xiray.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud sidoo kalena ah Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa la Soo sheegay inay xalay xireen Guddoomiyihii hore ee degmada Dhuusamareeb ugu Magacaawnaa hoggaanka Ahlusunna,kaasoo lagu Magacaab Axmed Cabdalla.
Xilliga la xirayay ayaa wararu waxay sheegayaan in isaga iyo Xubno kale ay kasoo baxeen Xerada Inji oo fariiisin weyn u ah hoggaanka Sare ee Ahlusunna ee ku biiray Maamulka Galmudug.
Inkastoo aan sirasmi ah loo cadeyn sababta loo xirey Guddoomiyihii hore ee degmada Dhuusamareeb & Xubnaha kale ee la socdey ayaa hadana wararka la helayo waxaay sheegayaan in Madaxda Sare ee Galmudug Amar kasoo baxay lagu xadiday dhaq dhaqaaqa Galitaanka ama kasoo bixida ee Dhismaha Inji.
Hoggaanka Ahluusnna oo ka soo horjeeda Maamulka Galmudug ee Dowladu Aqoonsantahay ayaanan weli ka hadlin tallaabadaan lagu xiray xubnaha taageersan ee uu kamid yahay guddoomiyihi hore ee degmada Dhuusamareb,hayeeshee waxaa uu kusoo aadayaa illi weli uu jiro khilaafkii ka dhashay doorashadii ka dhacdey Magaalada Dhuusamareeb oo hogaanka Ahlusuna ka soo Horjeesteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here