Gudoomiyihii hore ee gobolka banaadir oo sheegay inaan la aqbali Karin dilalka ciidanku u gaystaan shacabka

Guddoomiyihii hore ee gobolkan Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya Thaabit Cabdi Maxamed ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay dilalka askarta dowladda Soomaaliya ay u geystaan dadka Shacbaka ah.
Qoraal uu Taabit soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ugu tacsiyadeeyey Ehelada iyo Qoyska marxuum Cumar Xasan oo ahaa Oday da’ah,kaasoo agagaarka Isgoyska Ceelgaabta uu shalay ku dilay askari ka tirsan Booliska Soomaaliya,waxaana uu sheegay inaan marna la aqbali karin in ciidankii loo igmaday difaaca shacabka isla iyagii ay si xaqdarro u dilaan dadka shacabka ah.
Gudoomiye Thaabit Cabid Maxamed ayaa ugu baaqay Hay’addaha Amniga Soomaaliya in si deg deg ah sharciga loo marsiiyo gacan-ku-dhiiglaha dulmiyay, naftiisana dhaafiyay qof shacab ah oo aanan waxba galabsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here