Gudoomiyihii iyo Taliyihii ciidanka ee deegaanka Goof-Gaduud oo Qarax lagu dilay

Warar dheeraad ah ayaa waxaay kasoo baxayaan weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo ismiidamin oo xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab waabarigii hore ee saakay ay ku qaadeen Xerada Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ee degaanka Goof-Gaduud Buureey ee gobolka Baay.
Dagaal culus oo Maanta barqadii soo gaaray ayaa Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab ku dhex-maray degaanka G-gaduud Buureey,waxaana ka dhashay khasaare kala duwan
Wararka la helay waxay sheegayaan in Xerada la weeraray ay ku baxeen Guddoomiyihii degaanka Goof-gaduud Buureey Isaaq Cali Isaaq & talihii Ciidanka Booliska degaankaaas Xasan Bakaa, hayeeshee ay ku dhinteen qarax ka dhacay Goobta uu dagaalka ka socday,sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka degaanka Goof-gaduud Buureey ay ku dhinteen askar iyo dad Shacab ah, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Goof-gaduud Buureey ayaa sheegaya in weli degaankaas laga maqlayo rasaas goos goos ah,waxaana degaanka ku baxay Ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya eek u sugan deegaano ka tirsan gobolada Bay iyo shabeelada Hoose.
Al-Shabaab ayaa warar ay ku daabaceen baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxay ku sheegeen inay weerar qarax ku bilaawday ku qaadeen degaanka Goof-gaduud,isla markaana ay la wareegeen Saldhigyada Ciidamada dowladu ay halkaas ku lahaayeen wallow aysan jirin warar badan banaan oo arintaasi xaqiijiyay.
Dhanka kale Ciidamada Kumaandoosta DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha DANAB ee howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid Guri guri ah,isla markaana ay galeen Guri uu deganaa Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab,balse lagu dilay weerarkii Ciidamada ku qabsadeen degmada Kuntuwaareey.
Sidoo kale saraakiisha waxaay sheegeen in howlgalkaas ay Ciidamada guriga kaga soo bixiyeen Taleefoono, Dekumintiyo, Calamo, Cajalado iyo agab kale oo aad u badan sida ay Saraakiishu sheegeen
Ciidamada Kumaandoosta Xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa weli ku sugan degmada kuntuwaareey, waxayna Saraakiishu sheegeen in howlgallada ay sii socon doonaa ilaa iyo degaannada gobolka Shabeellaha Hoose ay ka saarayaan dagaalameyaasha Al-Shabaab ee wali ku Sugan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here