Gudoonka Baarlamaanka Galmudug oo la Kulmay Xildhibaano la sheegay inay Mooshin Ka wadeen

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Dr Maxamed Gacal ayaa xalay kulan Casho ahaa la qaatay Xildhibaano la sheegay inay wadeen mooshin ka dhan ahaa Guddoomiyaha.
Madaxweyna Ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa la Xusay inuu ka dambeeyay kulansiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaannada mooshinka ka waday si xal loga gaaro arrimahaas.
Xildhibaannada mooshinka waday ayaa waxaa la sheegay inay ka cabanayeen in muddo dhowr bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah sidoo kale uu guddoomiyaha Xildhibaannada siin waayay tixgelin ku aadan Shaqadooda sida ay hadalkooda u dhigeen.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa Madaxweyne ku xigeenka uga mahad celiyay casuumada uu u sameeyay Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada oo hadal haynta Mooshinkooda Maalmahaan warbaahintu isha ku heysay.
Kulanka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Maamulkaas ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli la sheegay in shalay Mushaarka Xildhibaanada oo maqnaa mudo dhowr bilood ah loo soo fasaxay, iyadoo ka dhigan in Gudoomiyuhu xal u helay qodob ka mid ah Eedihii Xildhibaanadu u jeedinayeen oo ahaa inuu gabay raadinta xuquuqaadka ka maqan sida ay ku doodayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here