DHAGEYSO:Gudoonka labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya oo la kulamy Wakiilka QM.

Kusimaha madaxweynaha jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya James Swan
Labadaan Masuul ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo la xiriira shuruucda hortaala baarlamaanka gaar ahaan kuwa la xiriira doorashooyinka.
Waxyaabaha ay aadka uga hadleen waxaa mid ah dib u eegista dastuurka,dhameystirkiisa iyo sharciyada muhiimka ah ee ay tahay in la meel mariyo.
Sidoo kale waxay isla hadal qaadeen xoojint xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada midoobay
Dhanka kale Wakiilka Gaarka ah ee Jimciyada Qaruumaha ka dhexaysa wuxuu ku kulan la yeesha gudoomiyaha golaha aqalka Sare ee Soomaaliya iyagoo ka wada hadalay arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaaneey shaqooyinka aqalka sare iyo sida ay Q.M uga taageeri karto dhinacyo kala duwan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here