Hadal haynta warbixinta BBI oo weli dalka ka jirto

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ayaa dalbanaya in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaqangeliyo warbixinta uu bishii hore soo saaray guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI.
Waxaa hoggaamiyaashan ka mid ah senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet , Kipchumba Murkomen oo sida uu hadalka u dhigay sheegay inaan loo baahneyn in shacabka la marin habaabiyo.
Waxaa uu Murkomen xusay inaynan wax micno ah lahayn in warbixinta oo ku saleysan aragtiyo kenyaanka laga soo aruuriyay in haddana iyaga dib loogu celiyo.
Xildhibaanka deegaanka Msambweni ,Suleiman Dori ayaa isna dhankiisa sheegay in afti wax looga beddelayo dastuurka oo la qaado ay saameyn ku yeelanayso rabitaanka dadweynaha iyo rajadii ay qabeen.
Ilaa iyo hadda si rasmi ah weli looguma heshiin qaabka loogu tallaaba qaadayo warbixinta.
Siyaasiyiinta qaar ayaa ka soo horjeedo in la qabto afti dastuurka wax looga beddelayo.
Waxay ku doodayaan in baarlamaanka uu awood u leeyahay inuu isbeddelada la soo jeediyay sameeyo.
Hasa ahaate guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in warbixinta dib loogu celiyo dadweynaha.
Guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI oo ka kooban 14 xubnood ayaa la soo magacaabay kaddib kulankii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore dhex maray Raila Odinga iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Kulankaasi iyo gacan qabsi xigay ayaa meesha ka saaray xaaladdii cakirneyd ee xilligaas wadanka uu ku jiray.
Waxyaabaha warbixinta lagu soo jeediyay waxaa ka mid ah in dalka uu yeesho ra’iisul wasaare baarlamaanka ka tirsan.
In qofkii soo sheego fal musuqmaasuqa boqolkiiba 5 laga siiyo hantida la dhacay ee dib loo soo helo.
In hadii barasaabka ismaamulka uu qof rag ah yahay ay ku xigeen haweeney u noqoto.
In meesha laga saaro xilalka xoghayayaasha wasaaradaha ugu sarreeya ee dhanka maamulka iyo arrimo kale oo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here